Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa wajahaya eedeymo culus oo ku aaddan in uu cunto dhacday u qeybiyay carruur ku jirta xero agoon ah magaalada Garissa ee gobo0lka Waqooyi Bari.
Aadan Barre Ducaale ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in uu cunto dhacday u qeybiyay xarun lagu xanaaneeyo carruur agoon ah ay tahay mid been ah sal iyo raadna aan laheyn sida uu hadalka u dhigay.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa daabacay in hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre uu  u yeeray ciidamada Booliska qeybta dambi baarista kadib markii isaga lagu eedeeyay qeybinyta Raashinkaas dhacay.
Dhinaca kalana waxa uu sheegay in uu xiriir uu la sameeyay taliyaha Booliiska ee Wajeer isla markaana uu weydiiyay hadii isaga ay dacwad ka taalo hase’ahaatee waxa uu tilmaamay in aysan jirin dacwad ka dhan ah oo booliiska soo gaartay.