Maxkamad ku taalla Galbeedka dalka Australia waxaa la soo taagay C/weli Axmed Aadan oo 44-jir ah, kaasi oo lagu eedeeyey inuu Wiilashiisa oo 10-jir iyo 8 jir ah uu ka garaacay gacmaha, lugaha iyo dhabarka iyo inuu indhaha iyo afka ka mariyey basabaas sannadkii 2016-kii.
Garsooraha Degmadda, Jiiyaan Baradok waxay Aabahaasi ku xukuntay Xabsi 2-sanno iyo 9-bilood, waxayna sheegtay inuu ciqaab xad-dhaaf ah u geystay Wiilaashiisa oo ku liitay Waxbarashadda.
Wargeyska The West Australian oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa sheegay in Aabaha xukunka lagu riday uu Qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi sannadkii 2007-dii.
Garsooraha Maxkamadda, Jiiyaan Barad waxay sheegtay in Aabaha Soomaaliga ee la xukumay shoog dhanka Maskaxda qabo, isla markaana uu goobjoog u ahaa Hooyadiisa oo lagu dilay Somalia, ka hor inta uusan Qaxooti ahaan u tegin dalka Australia sannadkii 2007-kii.
Dhinaca kale, Wargeyska waxa kale oo uu qoray in xaaska C/weli Axmed Aadan ka codsatay inuu carruurta ka dhaafo ciqaabta xad-dhaafka, balse markii uu ka diiday ay ay Boliska ku wargelisay dhacdadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Aabaha Soomaaliga ee la xukumay ayaa la sheegay inuu ka carooday carruurtiisa oo aad ugu liitay Tacliinta, isla markaana ay Maamulka Dugsiga ay dhigtaan u sheegeen inuu ku dadaalo waxbarashadda carruurtiisa.