Goordhow waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho gaaray gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey oo wata Ciidamo farabadan oo wata ilaa 7 Gaadiidka dagaalka ah.
Ciidamadaas ayaa haatan ku sugan baananka hore ee Xarunta Golaha Shacabka,iyada oo gudoomiye muudeey ay kas ii horeeyaan gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa 2aad.
Horay waxaa soo baxayay warar sheegaya in gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa 2aad Mahad Cabdalla Cawad ay Xarunta Baarlaamanka la galeen ciidamo aad u farabadan maadaama laga cabsiqabo in kulanka baarlamaanka ay fowdo ka dhacdo.
In kastoo waxkasta isbedeli karaan ayaa hadana waxaa xiligaan Gudaha Xarunta Golaha Shacabka ka jira buuq aan badneyn,iyada oo Wariyayaasha loo diiday in ay gudaha Xarunta galaan.