Markii laga baxaya Salaadii Maqrib ayaa waxaa qarax laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Wadajir,waxana la sheegay in qaraxaas lala eegtay masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wadajir.
Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari uu watey gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka degmada Wadajir xili uu marayey agagaarka Masjidka Culusow ee Xaafada Ceel Qalaw.
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xiliga qaraxa uu dhacayay ay wada socdeen gudoomiyaha degmada Wadajir iyo ku xigeeniiisa,laakin an wax dhibaato ah ka soo gaarin.
Waxa uu Goobjoogaha sidoo kale sheegay in halkaasi ay masuuliyiinta u atgeen ololenadaafaded oo markaas la doonayey in laga bilaabo basle qaraxaasi uu dhacay.
Masuuliyiinta Maamulka degmada Wadajir ee qaraxaasi lala beegsaday dhankooda weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga qofka goobjooga ahaa.