Taliska xoogga dalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalka iyo sidoo kale dagaalo ay la galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgallada ayaa ahaa kuwo amniga lagu xaqiijinayey sida ay Saraakiishu sheegeen,waxan sidoo kale barbar socday dagaal maalin ka hor deegaanka Buulo mareer ku dhex maray maalin ka hor Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in weerarkii maalin ka hor Al-Shabaab ku soo qaadeen Xerada Ciidamada ee deegaanka Buulo Mareer laga hortegay,isla markaana la qarxiyey ila Saddex gaari oo y ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.
Waxa uu sheegay in dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dileen 63 ay ku jiaran Saraakiil ay ku dileen dagaalkaas,halka dhankooda 9 Askari ay kaag geeriyoodeen.
Sidoo kale Abaanuulaha waxa uu sheegay in howlgallo kale oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiran lagu dilay 20 ka tiirsanaa Al-Shabaab.
Sikastaba markii laga soo tago hadalka Aabanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ah in ay dileen Saraakiil Sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab,ayaa maalin ka hor dagaalkii ka dhacay Buulo Mareer Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay ku dileen 59 ka mid ahaa Ciidamada AMISOM.
Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.