Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil  Caawa fiidkii ay Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee gobolkan Banaadir ugu geysteen  Haweeney ka mid aheyd Maamulka degmada Hurwaa.
Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Canab Cabdquaadir Daahir,waxana la sheegay in aheyd Madaxa Nadaafadda Waaxda Barwaaqo ee degmada Hurwaa,iyada oo dadkii ka dambeeyey dilkaas ay baxsadeen.
Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaas oo sameeyey howlgallo baariatano ah wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii falka dilka ah geystay.
Waa dilkii labaad ee mudo 48 Saacadood waxka yar Muqdisho loogu geysto masuul ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir,waxan xalay degmada Xamarweyne lagu dilay Gudoomiye Waaxed ka tirsanaa maamulka degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Fagaase.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho ku soo batay dilalka qorsheysan,iyada oo dilalkaas intooda badan ay sheegtaan masuuliyadooda Al-Shabaab.