Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay qaarkood ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab .
Saraakiisha howlgalka hogaamineysa ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka guulo waaweyn ka gaareen isla markaana deegaano dhowr ah ay kala wareegeen Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigeyn.
Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Bariga Gobolka Hiiraan Col,Maxamed Maxamuud Saney oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in howlgalka ay Ciidamadu ku wehlinayeen AMISOM,isla markana ay kula wareegeen deegaano hor leh kuwo kalen ay ku wajahan yihiin.
Waxa uu sheegay in iyaga oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM iyo dadka Shacabka ah eek u nool Bariga Gobolka Hiiraan ay siiwadi doonaan howlgalka.
Sikastaba arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed guutada 52–aad Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho uu shalay sheegay in howlgalladii laga sameeyey Gobolka Hiiraan ay ku dileen 120 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Bariga Gobolka Hiiraan.