Gudiga joogtada Aqalka Sare ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku kala direen gudigii Aqalka Sare ee loo xil saaray xalinta khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Gudiga oo ka koobnaa 7 Xubnood ayaa waxaa gudoomiye u ahaa gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi,waxana kala dirista Maanta ay ka dambeysay kadib markii xalay ay ku dhaawaqeen in uu burburay waan waantii ay ka dhex wadeen Golaha Shacabka.
Sidoo kale kala dirista ka hor ayaa waxaa jirtay in Saddexx Xubnood oo gudiga ka mid ahaa ay gudbiyeen Warqad ay isku casilayeen,kuwaas oo kala ahaa Senator Maxamed Amiin, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed Axmed Mashruuc.
Gudiga ayaa horay waxa ay u soo saareeb baaq iyo talooyin ku aadan in xal laga gaaro khilaafka hareeyey Golaha Shacabka,waxana jira warar soo baxayay oo sheegayay in ay gudigu ku kala qeyb sameen Go’aan ay ka qaateen Golaha Shacabka Soomaaliya.
Sikastaba khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya,waxana maalma ka hor gudoomiye ku xigenka 1aad ee Golaha shacabka uu go’aamiyey in Sabtida Golaha lahorgeeyo mooshinka Jawaari halka gudiga joogtada ay iyana soo saareen.
Maxamed Axmed Mashruuc oo ka mid ahaa Xubnaha gudiga Aqalka Sare uu u xilsaaray xalinta khilaafkaas ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay,isaga oo ku abaqay in waxkasta lagu xaaaaaaaaaaaaaaaaaaa wadahadal.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamed Axmed Mashruuc.