Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ahna Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya tan iyo markii la mideeyey Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.
Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa kulanka shir gudoomin doona,waxana maanta kulanka intiisa badan uu yahay isbarasho maadaama 26,kii Bishaan Xildhibaanadii Ahlusunna iyo kuwa Galmudug lagu mideeyey Dhuusamareeb.
Mid ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Dalsan waxa uu u sheegay in kulanka Maanta ay diirada ku saari doonaan marka koowaad isbrasho iyo sidoo kale ka doodista xeer hoosaad barlamaanka si isbedel loogu sameeyo iyo qodobo kale.
Kulankaan Maanta ee Baarlamanka Galmuudg ayaa waxaa ka horeeyey kulan qado ah oo uu shalay dhuusamareeb ugu sameeyey 178 xildhibaan ee Galmudug Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.