Xalay ayaa waxaa Muqdisho kooxo hubeysan ay ku dileen Xildhibaan Ruqiyo Abshir Gabbane oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxana dilkaasi ka hadlay gudoonka Baarlaamanka Maamulkaas.
Kadib dilkaas ayaa waxaa Radio Dalsan la hadlay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku simaha Gudoomiyaha Aweys Xuseen Macalin ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dilka xildhibaanada,waxa uuna sheegay in uu yahay falkaas mid aad looga xumaaday.
Waxa uu sheegay in ay ka mid aheyd xildhibaanada Koonfur Galbeed kuwa ugu dadaalka badan ee waqtigooda ku bixiya howsha ay u hayeen Bulsahda koonfur Galbeed,isla markaana xiliyada kulamada ay jiraan soo bandhigi jiray aragtidooda saxda ah si daacadnimo ah.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay laamaha amniga Soomaaliya ay wajib ku tahay in ay baaritaano ku sameeyeen isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Xidlhibaan Ruqiyo Abshir Gabbane.
Waa xildhibaankii Afaraad ee ka geeriyooda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Xildhibaan Abduqadir Abdirahmaan Baraf Ahaana Wasiiru dowlihii Amniga Koonfur Galbeed Qarax ayuu ku dhintey Sanadkan Isagoo xiligaasi ka soo laabtey safar uu ku tagey Bal-doogle wuxuuna ku Geeriyooday inta u dhaxeysa Walaweyn Iyo Degmada afgooye.
Xildhibaan Abdirahmaan Black xanuun hayay aawgiis ayuu  Ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho,Xildhibaan Madoobe Nuunow Mohamed Ahaana Wasiirkii Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Waxaa lagu dilay Weerar Ka Dhacay Hotel Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho 28 Bishoo October Sanadkii tegay ee 2017.
Xildhibaanad Ruqiyo Abshir Gabanne xalay ayaa Kooxo hubeysan waxa ay ku dileen Hoygeeda oo ku yaalla degamda Shibis ee Gobolka Banaadir.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku simaha Gudoomiyaha Aweys Xuseen Macalin.