Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gobiley ee deegaannada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Gabar yar oo halkaasi Xayawaanka loo yaqaano Waraabaha uu ku cunay.
Deegaanka Waraabaaley oo qiyaastii 5km u jirta deegaanka Arabsiyo ayay dhacdaada ka dhacday,waxana la sheegay in Gabadha uu Waraabaha cunay ay jirtay 5 Sano.
Waraabaha ayaa markii hore soo weeraray xoolaha qoyskaasi reer miyiga ah, markii dadkii waa weynaa isku dayeen in ay xoolaha ka badbaadiyaan, ayaa waxa uu glay Guriga Qoyska isaga oo Gabadhaasi yar kala baxay.
Qoyska Gabadha yar ayaa ugu dambeyn soo helay Hilibka Gabadhoodii,iyada oo Waaldiiinteeda ay aad uga naxeyn dhacdadaas.