Maxkamada ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee gobolka hiiraan ayaa Maanta waxa ay xukuno ku driyda Saddex Nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo ehelada eedeysanayaasha,
Shariif Macalin Xasan ayaa lagu eedeyay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab una qaabilsanaa dhnak bamboo tuurka halka Cabdi Naasir Muxumed Maxamed Faadumo Aadan ay la shaqeyn jireen.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee gobolka hiiraan Cabdul Cassiis Xasan ayaa ku dhawaaqay xukunka waxa ayna kala ahaayeen.
Shariif Macalin Xasan 32 jir ah in Cabdiyo Muxumed ku dhashay Moqakori,waxa lagu xukumay 8 Sano oo Xabsi ah.
Cabdi Naasir Muxumed Maxamed 34 jir ah ina Faadumo Aadan degan Baladweyne iyo Raaxo Abuukar 36 jir ah ina Diini Faarax ku dhalatay Baladweyne goobta ka maqneyd labadooda lagu xukumay min 15 Sano oo Xabsi ah.
Sikastaba 24 Bishan ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteda 27aad ee Gobolka Hiiraan waxaa la horkeenay eedeysanayaashaan kuwaas oo ugu dambeyn Maanta la xukumay.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo uu Baladweyne kas oo diray Wariyaheena Axmed Dirir Nuur.