Madaxa Ergadda Sare ee British u joogta Kenya, Chistian Turner ayaa sheegay inay Muwaadiniintooda ka mamnuuceen safarka Kenya, gaar ahaan Deegaannadda ay weli ka jiraan cabsida Alshabaab.
Isagoo la hadlayey Wakiilo ka socda Qabiilka Masaayga, ayaa sheegay in Muwaadiniinta Britain laga mamnuucay inay booqdaan qeybo ka mid ah Goballadda W/bari iyo Xeebta, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Kooxo taageersan Alshabaab, isla markaana ay ka jiraan cabsi baahsan.
Christian Turner waxa uu xusay inay Dowladda Britain mas’uul ka tahay inay Muwaadiniinteeda uga digro cabsi kasta oo dhinaca ammaanka, iyadoo digniinaha dhinaca Socdaalka lagu saleeyo xaalladda ammaanka ee dalalka Calaamka.
Dhinaca kale, waxa uu ku booriyey dadka Britishka inay booqan karaan Deegaanka Masaayda, oo uu xusay inay tahay deegaanadda ugu amaanka fiican Dalxiisayaasha ku tamashleeya dalka Kenya.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegan, iyadoo ay dhowr waddan oo Reer Galbeed ah ay Muwaadiniintooda kula taliyeen inaysan dalxiis ku tegin Kenya, maadaama ay Alshabaab kordhiyeen weeraradda ay ka geystaan Kenya.
Dalxiisayaashii shisheeyaha ee booqan jirtey Kenya ayaa yaraaday, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab kordhiyeen Hwalgalladda ay ka wadaan gudaha Kenya, oo ay kaga soo horjeedaan Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Somalia, gaar ahaan Deegaanadii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku xoogganaan jireen.
© Warqabadka Dalsan Radio