Weli waxaa isasoo taraya khasaaraha uu geystay qarax ismiidaamin ah oo Galabta ka dhacay maqaaxi ka soo horjeeda Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho,qaraxaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Maqaayada uu qaraxa ka dhacay ayaa Galabtii waxa isugu yimaada bulsho farabadan kuwaas oo ku shaaha,waxaana qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday qaraxa ay sheegeen in Maqaayada uu soo istaagay gaariga,durbaba uu horay ka qarxay,isla markaana dad badan oo ay yaqaaneyn  ay ku geeriyoodeen
Badi dadka qaraxa ku geeriyooday ayaa isugu jiray dad Goobo Ganacsi ku lahaa Goobta uu qaraxa ka dhacay,sida Maqaaxiyo, Bakhaaro iyo waxyaabo kale,iyo sidoo kale dad saarnaa gawaari Wadada mareysay.
Khasaaraha qaraxa ka dhashay ayaa masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga waxa ay ku sheegeen in ka badan 14 ruux halka dhaawacana lagu sheegay ku dhawaad 6 ruux,waxana Goobtii uu qaraxa ka dhacay haatan ku sugan saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.
Warar kale oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in khasaaraha dhimasho ee  ka dhashay qaraxa uu gaarayo ilaa 16 dhimasho ah iyo dhaawaca 10 kale.
Weli macada halka lala damacsanaa qaraxaas,waxana warar soo baxayay ay sheegayeen in gaariga qarxay ay eryanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya in kastoo weli si faah faahsan aysan uga hadlin Wasaaradda Amniga Soomaaliya.