Kulan deg deg ah oo ay yeesheen masuuliyiinta maamulka gobolka hiiraan iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolkaas ayaa waxa ay ku go’aamiyeen in la’isku furo degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 5aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo siwadajir ah kulanka uga hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka go’an tahay furitaanka Wadooyinka u xiran Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 5aad ee ciidamada xoogga dalka Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin in ay bilaabaan howlgalka lagu furayo wadooyinkaas,isla markaana Shacabka laga doonayo in ay ciidamada garab istaagaan.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sigaar ah u sheegay in dhammaan Wadooyinka gobolka Hiiraan dhammaan la’siku furi doono,waxa uuna sheegay in aysan aqbali doonin in Al-Shabaab ay wadooyinka u galaan masuuliyiintooda xiliyada ay Wadooyinka Gobolkaas ku socdaalayaan.
Degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa haatan Go’doon u ah Al-Shabaab,iyada oo taasi ay sababtay in maciishada degmooyinka ay go’doomiyeen Shabaab ay noqotay mid qaali ah.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Taliyaha Guutada 5aad ee ciidamada xoogga iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan.