Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Maanwaxa ay kulan ku yeeshay Xaruntooda ee Muqdisho,waxana kulankooda ay uga doodayeen Xeerkii ay ansixiyeen Golaha Shacabka kaas oo dalka looga mamnuucayay shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka Imaaaradka Carabta.
Kulanka markii uu furmay ayaa waxaa xildhibaanada ay soo jeedinayeen qaarkood talooyin ku aadan in Goluhu asyan ansixin xeerkaas si waqti loosiiyo in ay uga soo talo bixiyaan,hala sidoo kale Golaha qaar ay sheegayaan in xeerkaan la meel marinayo.
Tallaabadaan ayay u muuqataa mid ay kulak ala qeybsameen Xubnaha Golaha Aqalka Sare Xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World ee Wadanka Imaaraadka Carabta.
Wararka aan heleyn ayaa waxa ay sheegayaan in Xubnaha Aqalka Sare ay haatan u abxeyn Salaad iyo Qado kadibna ay isku soo laaban doonaan si ay dooda halkeedii uga sii wataan.