Saacadihii hore ee maanta ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay mooshin kalsooni kala noqosho ka gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaana mooshinkaasi qabtay Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah Mudanayaasha mooshinkaa saxiixay ayaa lahadlay Radio Dalsan,waxaa uu sheegay in Jawaari ay ku eedeenayaan Xil gudasho la’aan iyo in uu ku xadgudbay Dastuurka.
Xildhibaanadan ayaana la sheegay in tiradooda ay ka badan tahay 100-Xildhibaan,mooshinkan ayaana soo baxay 3-cisho kadib markii sabtidii uu furmay Kal-fadhigii 3-aad ee Golaha shacabka.
Halkan Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Kana Akhriso War Saxaafadeedkii ka soo baxay Xildhibaanada.
Â