Kadib Go’aankii Mudanayaasha golaha Shacabka Soomaaliya ee Maantaa ay dalka uga mamnuuceen shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta,ayaa waxaa saameynta uu ku yeelanayo ka hadlay Maamulka Soomaaliland.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland oo Caawa Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Go’aankaas uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin,isla markaana Soomaaliya ay ka go’een Sanadkii 1981.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay la yihiin Dal dersi ah iysguna ay yihiin kuwo ismaamula oo deris al ah Soomaaliya isla markaana aan uga sokeyn Itoobiya iyo Uganda.
“Hadii Itoobiya,Uganda ama Soomaaliya laga mamnuuco waxba nagama quseeyaan anaga Soomaaliland ayaa nala dhahaa go’aanka Baarlamanka Soomaaliya waxba nagama gelin laakin waxaan kuu sheegayaa in Beri aan kulan yeelan doono jawaabta aan ka bixinaana nala arkaa ayuu yiri Xildhibaan Nacnacâ€
Xildhibaanka ayaa la weeydiiyay in Go’aanka Baarlamanka Soomaaliya uu sababo in Shirkadda DP World ay heshiiskii qandaraaska Dekada Berbera ay ka laabato ayuu sheegay in marnaba taasi ay dhici doonin.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Axmed Maxamed Diiriye.