Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in waqtigan deegaano ka mid ah Maamulkaas ay ku soo kordheen falal amnidarro.
Waxa uu tusaale u soo qaatay degmada Balcad oo 30km u jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo weeraro joogto ah ay ka dhacaan,iyada oo weerarkii u dambeeyay degmadaas la qabsaday.
Gudoomiye Cisman Barre ayaa sheegay in Shabaab Gobolada kale ee Soomaaliya uu ka yimid isla markaana uu ku soo aruuray deegaannada Maamulka Hir-Shabeelle taasina ay u baahan tahay in dowladda Federaalka Soomaaliya wax ka qabato.
“Runtii maalmahan amniga Hir-Shabeelle waa uu sii xumaaday,amnigii faraha ayuu ka baxay,waayo Al-Shabaab ayaa isku soo aruursaday oo meel kasta isaga yimid,mudo Sideed Sano ka hor oo Balcad lala wareegay ayaa Al-Shabaab saacado ay heysteen waligeedna ma dhicin,dowladda Federaalka Soomaalya waa in ay waxka qabataa ayuu yiri gudoomiyahaâ€
Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ku soo aadaya xili deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda taasi oo sababtay in ay xiranto Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.
Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.