Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed marna soo noqday musharax Madaxweyne ayaa siweyn u naqdiyay khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu Maanta ka jeediyay Xafladii furitaanka ee Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya.
Siyaasiga ayaa marka hore soo hadal qaaday in khudbadii madaxweynaha ee Maanta aysan aheyn mid lagu qanci karay.
“Inkasta uu marar badan hadalka ka istaagay, Khudbada Madaxweyne Farmaajo uu labada Aqal maanta ka hor jeediyey ma ahayn mid isku xiran, dheelitiran, biyadhacna leh. Kamana uusan hadal,Sanadkii tegey wixii ina soo maray 2- Nooma tilmaamin halka aan u socono 3- Sooma na qaadin Arrimaha xasaasiga ee taagan. Madaxweynuhu wuxuu ka digay in dalkeena lagu soo xadgudbo ee ma sheegin in xadgudub dhacay oo laga xisaabtamayoâ€
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in hadii golaha Wasiirada Soomaaliya ay Go’aan ka soo saaraan heshiiskii dekada Berbera uu Madaxweyne Farmaajo uu noqonayo mid masuuliyadisii gabay.
“Maadaama uusan madaxweynuhu mowqifkiisa cadaynin, haddii shacabka beri loo sheego in Golaha Wasiirada ay go’aan soo saareen, waxaan u qaadanaynaa in madaxweynuhu mar kale masuuliyadisii gabay ayuu yiri Siyaasigaâ€