Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Meachel Keating ayaa kulan la qaatay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cismaan Xuseen,kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Danjire Keating ayaa kulanka uu labyeeshay Taliye Xuseen Cismaan Xuseen uu kala hadlay arimo kala duwan oo ay uga horeysay amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Waxaa uu xusay in muhiim uu yahay wax ka qabashada amaanka Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen Weeraro kala duwan oo mas’uuliyadoodu ay sheegteen Al Shabaab.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray Danjiraha in Saaxiibada Soomaaliya ay diyaar u yihiin ay la shaqeeyaan Hay’adda Nabad Sugida ee Soomaaliya kalana Shaqeeyaan Sugida amniga.
Kulankan ayaa waxuu imaanayaa iyadoo Magaalada Muqdisho dhawaan ay ku dhaceen qaraxyo khasaaro geystay,waxaana madaxda dowladda ay sheegayaan in ay Amniga waxka qaban doonaan.