Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga hadlayay caqabadaha ay la kulmaan dadka naafada ah ee u baahan garab istaagga iyo la jaan-qaadka bulshada caadiga ah, waxa uu la qaatay wakiilllo ka socday dadka Naafada ah isla markaana u ololeeya xuquuqda dadka aan lixaadkoodu dhameyn.
Guddoomiyaha Yariisow ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xeerarka iyo qawaaniin sida adag u difaacaya xuquuqda naafada Soomaaliyeed.
Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa carrabka ku adkeeyey in naafanimadu aysan ahayn micneheedu awood laΓ’β¬β’aan balse ay tahay amar Eebe, iyadoo taas laga duulayana uu maamulkiisu sii wadi doonno dadaallada ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin naafadu.
Γ’β¬ΕKa maamul ahaan, diyaar ayaan u nahay in aan qeyb ka geysanno wax walba oo lagu horumarinayo nolosha dadka naafada ah, weyna naga goΓ’β¬β’an in lala simo bulshada caadiga ah kuwa shaqeysan karana helaan fursado lamid ah kuwa dadka lixaadkoodu dhameystiran yahay.Γ’β¬ΒAyuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.
Xubnahan oo isugu jiray qeybaha kala duwan dadka naafada ah ayaa maamulka Gobolka Benaadir u soo hordhigay baahida ay qabaan, gaar ahaan waxbarashada, shaqooyinka, dib-u-howlgelinta xarumihii ay lahaayeen iyo daryeelka ay u baahan yihiin.
Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) iyo Xog-hayaha guud ee Maamulka G/Benaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.