Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta ku guda jira kormeero uu ku sameynayo xerooyin ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada milateriga Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisii ugu horeeyay Maanta ku tegay Xerada Bangala ee degmada Deeyniile,isaga oo Ciidamada halkaasi ku sugan u jeediyay khudbad dardaaran aheyd.
Madaxweynaha kormeerkiisa Maanta ayaanan wax saameyn ah ku yeelan Shacabka Muqdisho isla markaana aanan wadooyinka loo xirin xili la ogaa in Wadooyinka loo xiri jiray madaxda markii ay kormeero sameynayaan.
Madaxweyne Farmaajo oo kormeerkiisa weli ku guda jira ayaa la filayaa in uu booqdo Xerooyin kale oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Goordhow la socda Sawirrada Kormeerka Madaxweynaha.