Madaxda Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa jawaab ka bixisay hadalkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in uu sharcidarro yahay heshiiskii Shirkadaas ee Dekadda Magaalada Berbera.
Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa sheegay in heshiiskaas dowladda Federaalka Soomaaliya uusan waxba ka quseyn isla markaana Soomaaliland ay tahay dal Madax Banaan.
“Dowladda Federaalka wax shaqa ah kuma laha heshiiskaas, Soomaaliland waa dal madax banaan oo mudo 28 Sano ah amni ah oo isku-tashaday, heshiiskaas waxaa meel mariyay baarlamaanka Soomaaliland, dowladda somaaliyana awood uma laha in ay naga joojiso ama wax ka bedesho ayuu yiri  Suldaan Ahmed Bin Suleymaanâ€
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 2,dii Bishaan Saacadu uun markii uu ka soo laabtay Imaaraadka waxa uu heshiiskaas ku tilmaamay mid sharcidarro ah.
Agaasimaha Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa ugu dambeyn sheegay in Shirkadooday masuuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta heshiiskii ay wada saxiixdeen iyaga, Soomaaliland iyo Itoobiya.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka uu arrintaas kaga hadlayo waxaana turjumay Cabdi Maalik Muuse Coldoon.