Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka soo horjeestay heshiiska Maamulka Somaliland uu la galay Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka iyo Dowladda Itoobiya oo saami laga siiyay maalgashiga Dekadda Berbera.
Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Somaliland ay qalad ku tahay in 30% kaliya ay Somaliland qaadato halka 70% ay la wareegtay Dowladda Imaaraadka iyo Dowladda Itoobiya.
Buubaa ayaa sheegay in Somaliland ay ahayd in ay qaadato ugu yaraan 51% taas oo u suuragelin karta in marka la kulmayo ay go’aanka iyada yeelato.
Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddani ayuu sidoo kale sheegay in uu arrintan ka horyimid markii horena ay diideen,isaga oo sheegay in heshiiskii 1-aad ee 65% DP World uu markii horeba qalad ahaa.
Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in go’aanka saamigaasi lagu siiyay Itoobiya iyo Imaaraadka ay tahay mid dhaawici karta dadaalka ay Somaliland ugu jirto in ay madaxbanaani ku gaarto.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga.