Maamulka Hir-Shabeelle ayaa weli sheegaya in dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab ay weli ku sugan yihiin tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Tan iyo Jimcihii oo ay Al-Shabaab si fudud kula wareegen Balcad,ayaa waxaa jira baqdin soo wajahday Shacabka degmadaas taas oo ku aadan in ay ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.
Taliyaha Booliska Maamulka Hir-Shabeelle Col, Xasan Dhicisow ayaa sheegay in weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab Balcad ku qaadeen ay ka soo badbaadiyeen hub ay lahaayeen AMISOM oo ay ku jireen laba qoray oo waaweyn kuna wareejiyeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Waxa u sheegay in weli qeybo ka mid ah Balcad ay dhaq dhaqaaq ka wadaan Al-Shabaab laakin Ciidamada xoogga dalka iyo Maamulka Hir-Shabelle ay keeni doonaan qorsho dhanka amniga ah oo looga hortagayo Al-Shabaab.
Sikastaba tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa jirta feejignaan dhanka amniga ah oo ay wadeen ciidamada xoogga dalka soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Booliska Maamulka Hir-Shabeelle.