Afar bil iyo 20-cisho kadib waxaa la joojiyay Howshii taakuleynta ee soo socotay tan iyo 14-October oo xiligaa uu ka dhacay weerarkii ugu khasaaraha badnaa inta la xasuusto.
Gudiga gurmadka Qaran oo mudadaa ku howlanaa howlihii gurmadka qaran oo Somaali meel walbo oo ay joogto isu soo gurmatay ayaa gudiga waxa uu mudadaa ku howlanaa ururinta iyo bixinta lacagaha gacantooda kusoo dhacda.
Lacag ka badan 4-milyan oo dollar ayey gudigu gacanta ku dhigeyn mudadaasi dad ka badan 3,kun ayuuna adeegaasi si toos ah u gaaray sida uu sheegay C/llaahi Shirwac gudoomiyaha Gudigaasi.
“Dadka aan sida tooska ah ugu adeegnay marka la fiiri waxaa weeyaan 3748, lacagta nasoo gashayna waa Lacag ka badan 4-Milyan inteedii ugu badneedna wan bixinay,waxaana u bixinay agoontii dadkii laga dhintay iyo dadkii ku hanta belay oo dhammaantood ahaa dadkii musiibadaas ay qabsatay 14-kii Octoober ayuu yiri Gudoomiye Shirwacâ€
Tirada khasaaraha weerarkii Zoobe ayaa inta la qiyaasay ka sii korortay halkii ay markii hore aheyd,waxana haatan gudigu ay shaaciyeen in dhimashadu ay gaartay ilaa 655, dhaawacuna uu gaaray 303,dadkii ku agoontoobay ay iyana ku sheegeen 1,547 taas oo micnaheedu yahay in khasaarihii uu sababay qaraxaas uu kordhay.
Warbixinta gunaanadka u aheyd howshii taakuleynta ee gudiga gurmadka qaran ayaa talo loogu soo jeediyay Madaxda Qaranka in ay ka faala qaadaan caruurtii ku agoontoobay dhacdadii 14-october Waxaana gudoomiyaha Gudiga Gurmadka qaran C/llaahi Shirwac uu sheegay in Hey’ad Kheyriya ah oo laga leeyahay Qadar iyo safaarada Imaaradka ay ka faala qaadeyn boqolaal kamid ah caruurta agoonta.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku sugnaa madashii lagu soo bandhigay qorsha howleedkii Gudiga ay fuliyeen ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadu ay qaadaneyso doorkeeda in ay qaado mas’uuliyada Caruurta ku agoontoobay Weerarkii Zoobe oo ay xukuumada qorashahaasi diyaarineyso.
Xanuunka damqiyay Soomaalida daafaha Dunida ku nool ee ka dhashay Weerarkii 14-october ayaa waxa ay ka dhigtay mid ballaaran gurmadkii loo sameeyay dhibanayaashii Weerarkaasi taa oo suura geliyay in gudiga ay lacag 4 milyan ka badan ay ururiyaan muda 5-bil ku dhaw,iskastoo dhacdadaasi dadka ka badan 600-ay ku dhinteyn.
Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.