Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo Wafdi ballaaran uu hogaaminayo, ayaa u duulay Dalka Ivory Coast.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Abidjan ee Dalkaasi, waxaana halkaasi uu uga qeyb galli doonaa shir looga hadlayo arimaha Maaliyadda.
Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Shirka ka dhacay Dalkaasi lagu soo hadal qaadi doono horumarada dhanka maaliyada ay sameysay Xukuumadda Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.