Dhawaan ayay aheyd markii Imaaradka Carabta ay heshiis ku kala saxiixdeen Soomaaliland Itobia iyo Shirkadda DPworld kaas oo ku saabsana hormarinta Dekada Barbara,Heshiiska yaa dhigayay in 51% in ay qaadaneyso DP Wordl,30% Soomaaliland halka Itoobiyana ay qaadanayso 19% boqolkiiba.
Raâ€isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu Sharci daro yahay heshiiska Sedex geesoodka ah ee ka dhacay Imaaraadka Carabta,Kheyre ayaa sheegay in lal xisaabtamayo cid kasta oo ku xag gudubta Sharciga u degsan dalka waxba kama jiraana uu yahay heshiisku.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa dhankiisa si kulul uga hadlay go,aanka Xukumada Somaliya ay ka qaadatay heshiiska Dekada Barbara,Waxa uu sheegay in aysan jirin wax ka khuseeya Dowladda Soomaliya heshiiska Barbara.
Halkaan ka dhageyso Codka