Al-Shabaab ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay Gacanta ku hayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Dagaal kooban oo Ciidamada Dowladda iyo l-Shabaab ku dhexmaray degmadaas ayaa dadka deegaanka waxa ay xaqiijiyeen in ay Al-Shabaab la wareegeen.
Qaar ka mid ah Shacabka Balcad oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay arkayaan rag ka tirsan Shabaab oo ku sugan Gudaha degmada Balcad sida Saldhigga degmada Buundada, iyo Xarumaha Maamulka.
Weli qeybo ka mid ah degmada ayaa laga maqlayaa rasaas mararka qaarna jug culus,waxna Ciidamada AMISOM oo fariisin ku leh Xaafada Xaawa Taako ee degmadaasi Balcad ay iyana ridayaan rasaas,sidoo kalena lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.