Dowlada Somalia ayaa sheegtey in xaalad adag oo biyo yari ahi ay ka jirto magaalooyinka qaarkood iyo dhulka baadiyaha ah, ayna ku talo jirto mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis si looga hortago dhibaato ka dhalankarto biyo la’aan.
Wasiirka Khayraadka iyo biyaha Somalia Saalim Caliyow Ibrow ayaa u joogo magaalada Washington shir sanadka sanadlaha ah ee arrimaha tamarta dalalka Africa ( Power in Africa) waxa uuna ka hadlay qorshaha wasaaradiisa biyo la’aanta ka jirta dalka.
Waxa uu sheegay Wasiirka in guritaanka wabiga ay sabab u tahay Maamul xumo dalka ka jirta isla markaana Wasaaradu ay wado qorshayaal lagu yareynayo biyo la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Wasaaradda ay heshiiskii la gashay shirkado ka qeyb qaadan doona Baarista biyaha ku jira dhulka hoostiisa Iyo sameynta biyo xireeno Cusub iyo sidoo kale dayactirka biyo xireenadii hore.
Hadalna Wasiirka ayaa ku soo aadaya xili qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya dadka ku nool ay ka qeylo dhaaminayaan biyo la’aanta heysata,iyaga oo dalbanaya in gurmad lala soo gaari.