Ciidamada Mareynkanka oo kaashaneynaya Dowladda Soomaaliya ayaa duqeyn dhanka cirka oo 26-kii bishan February ka fuliyay degmada Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe wuxuu sheegay inuu ku dilay labo ka tirsan Al-Shabaab halka mid kale la dhaawacay.
Qoraalka ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africom,ayaa lagu sheegay in duqeynta aanay wax khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah,uuna ku kooban Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro Al-Shabaab oo kaliya qatar ku ahayn nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya sida qoraalka lagu yiri.
Duqeyn ay Ciidamada Mareynkanka ka fuliyeen Qeybo ka mid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay ku dileen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.