Habeen ka hor ayaa Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxa ay Askari ka tirsan ciidanka NISA ku dileen Barkoontorool oo ku taalla isgoyska km4 wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.
Ehelada Askariga la dilay oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xuseen Cabdi ayaa waxa ay shalay Warbaahinta u sheegeen in ay dalbanayeen in wax laga qabto cadaaladana la hor keeno ciidamadii ka dambeeyay dilka wiilkooda oo ka tirsanaa ciidamada NISA.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in falkaan dilka ah uu dhacay ka dib markii xiligii loo diiday Bartii koontorool oo ay Ciidamada Dowladda ku sugnaayeen ay waceen Madaxda NISA Balse ay ciidankii dowladda rasaas ku bilaabeen.
Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya Gen Paul Lokech ayaa sheegay in rasaastii dhex martay Ciidamadooda iyo kuwa dowladda ee Koontoroolka ku sugan ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah balse faah faahin dheeraad ah oo kale kama bixin waxa ay ka yeelayaan dilka ay u geysteen Askariga ka tirsanaa NISA.
Sikastaba weli madaxda dowladda iyo laamaha amniga Soomaaliya wax war ah kama soo saarin dilka ay Ciidamada Uganda u geysteen Askariga ka tirsana Ciidamada Dowladda,waxana Ehelada askarigaas ay madaxda Dowladda ka dalbanayaan in cadaalada la marsiiyo Askartii ka dambeysay dilkaas.