Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ka baarlamaan ahaan ay aad uga xun yihiin dhibaatada ka soo gaareysa qaraxyada ay fulinayaan Al-Shabaab Shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu soo hadal qaaday doorka Xukuumadda Soomaaliya ee Sugida amniga,waxa uuna sheegay in ay waajib ku tahay ilaalinta amniga Shacabka iyo Xarumaha dowladda laakin ay nasiibdaro tahay in dharka ciidanka ay Al-Shabaab ku soo weerar tagaan.
“Runtii dabacsanaan weyn ayaa amniga ka jirta xaqiiqdii waxaa nasiibdaro ah in dharkii Ciidanka booliska iyo nabadsugida lagu soo weeraro halkii aan kunasan laheyn ee Madaxtooyada,bilihii muqdisho ay amniga aheyd dadaal dowladda keeda ah kuma imaanine nimanka iyaga ayaa iska maqnaa ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuudâ€
Hadalka Senator ayaa ku soo aadaya xili xalay Muqdisho ay ka dhaceyn qaraxyo iyo weerar khasaaro inta badan u geystay Shacabka Muqdisho,waxan weli isasoo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Senator-ka.