Weli waxaa isasoo taraya saameynta iyo khasaaraha ka dhashay qarax iyo dagaal Caawa ka dhacay Xerada Dhagaxtuur oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Wakaalada Wararka ee Sonna ayaa lagu daabacay in Gaari saarnaa waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku soo gudbo Barkantrol oo ay ciidamadu ku leeyihiin Sayidka,ciidamada oo horey uga feejignaa gaariga ayaa u suuro gashey in ay rasaas kala hortagaan iyagoo lugaha ka banjaryay gaariga,waxaana la socday maleeshiyaad ilaa 3 qof ahaa.
Khasaaraha ka dhashay qaraxaas iyo dagaalkaas ayaa daqiiqad walba isagaoo taraya,wxaa horay u jirtay in uu ku geeriyooday laba Alifle Bishaar oo ka mid ahaa Ciidamada Ururka 60,aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo ilaalo u ah Madaxtooyada Soomaaliya.
Warar haatan soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale qaraxa iyo dagaalka uu ku geeriyooday Darawalka Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah ilaalada halka kuwo kale la’layahays sida uu xaqiijiyay Senator-ka.