Laba qarax ayaa Maqribnimadii Caawa laga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho,waxana qaraxyadaas daba socday rasaas.
Qaraxa Koowaad ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka,waxaana la sheegay in Ciidamo Barkoontorool oo halkaasi ku taallay ku sugnaa  iyo rag saarnaa Gaari laga shakiyay oo doonayay in uu u soo gudbo dhanka Madaxtooyada ay rasaas isweydaar sadeen taas oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Rag hubeysan ay Gudaha u galeen Xarunta Dhagaxtuur oo  ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya isla markaana ay ka dhex dagaalamayaan wallow aysan jirin cid sirasmi ah oo xaqiijisay.
Qaraxa labaad ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Cusub ee Doorbin halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidmo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaas,waxana xusid mudan in qarixii labaad ee agagaarka hotelka Doorbin ay mudo ka badan 30 Daqiiqo la maqlay rasaas culus oo leys u muuqatay mid lagu dagaalamayay.
Shalay ayaa shirka Golaha Wasiirada Waxaa Wasiirka Amniga uu ka sheegay in Muqdisho ay ku jiraan Gawaari qaraxyo sida kuwaas oo loo soo ekeeysiiyay Gawaarida shirkadda Sahal ee ka Shaqeysa Garoonka Diyaaradaha dadkana uu uga digay in ay ka feejignaadaan.
Wixii ku soo kordha Wararkaan kala socda Radiodalsan.com