Saddex ruux ayaa ku geeriyootay duqeyn xalay ka dhacday tuulada Bangeeni oo 8 KM dhanka galbeed kaga beegan degmada Jamaame ee gobbolka Jubbada Hoose.
Mareykankana waxa uu sheegay in uu duqeyn ku diley seddax ka mid ah Al-Shabaab meel ku dhow degmada Jilib 19kii bishan Febraayo.
Mareykanku faah faahin intaasi dheeraad ah siima bixin in duqeyntaas ay waxyeelo ka soo gaaray dad Shacab ah.
Mareykanka ayaa todobaad gudahiis waxa uu duqeyn ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose waxaana duqeyntaas uu mareykanka sheegay in uu ku dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.