Carmalad lagu magacaabo Jasmiina Milovanov oo deganay magaalladda Sydney ee dalka Australia ayaa la sheegay inay labo carruur oo ay dhashay uga soo dhex tegtay gaariga ciyaalka ku socod bartaan, kadibna ay u dhooftay dalka Syria, si ay ugu biirto Kooxda Daacish.
Haweeneydaasi oo la sheegay in bishii hore ka soo ambabaxday dalka Australia ayaan dib u soo laabnin, iyadoo baylihisay daryeelkii hooyanimo ee labada carruur ee ay dhashay oo 5 jir iyo 7 jir ah.
Wargeyska The Sydney Daily Telegraph ayaa qoray inay haweeneydaasi u soo qortay Farriin Qoraaleed Gaaban (SMS text message) saygeedii hore, una sheegtay inay ku sugan tahay gudaha dalka Syria.
“Waxa keliya ee aan ka fkerayo ayaa ah carruurteyda. Ma rumenysan karo inay ka tegtay labadeenna carruur ee quruxda badan†ayuu ku calaacalay Saygeeda oo intaasi ku daray inuu wiilkiisa rajeynayo inay hooyadiisa OK tahay.
Saaxiibadda Jasmiina Milovanov waxay sheegeen inay ku naaloon jirtey sidii ay u guursan lahayd nin Dagaalyahan ah.
Facebook-ga Jasmiina Milovanov ayaa waxaa saaxiibadda ay la xiriiri jirtey ka mid ahayd Zahra Duman oo deganaan jirtey magaalladda Melbourne, taasi oo la sheegay inay Aaladaha Isku-xirka Bulshadda u adeegsato inay ku tashkiiliso dhallinyarradda, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.
Zahra Duman ninkeeda oo la oran jirey Mohamoud Abdifatah ayaa la sheegay in bilowgii sannadkan lagu dilay isagoo ka barbar dagaalamayey Daacish.
Hadal ka soo baxay Dowladda Australia ayaa lagu sheegay inay baarayaan arrinta Saaxiibadda Jasmiina Milovanov.
In ka badan 100 Muwaadiniin Australian ah ayaa la sheegay inay ku biireen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Iraq iyo Syria, iyadoo in ka badan 30 ka mid ah la dilay.
Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed