Dowlada Federaalka ayaa Gudi dhawaan u xilsaartay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa Soomaali ku dhibaateysan Dalka libya oo mudo sanado badan gacan ugu jiray Kooxaha loo yaqaano magafayaasha ee lacaga baada ah ka qaata Somalida Muhaajiriinta ee u tahriiba Dalalka Yurub
Safaarada Somalia ee libya iyo Xubno dhawaan gaaray dalkaas oo ay Dowlada u dirtay Xubnaha in ay soo ogaadaan Somalida dalkaa ku dhibaateeysan ayaa maanta waxaa lagu wadaa in muqdisho laga soo dejiyo Tobaneeyo dhalinyaro ah oo iyagu ogolaadeyn in dalka dib loogu soo celiyo.
Somaalida qaar ayaan la soo sheegaya In ay diideyn in dalka dib loogu soo celiyo kuwaas oo weli ku hanweyn in ay aadaan dhinacaa iyo Yurub.
Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi ayaa sheegay in Maalma kadib oo ay ku sugnayeen dalka Libya ay ku guuleysteen in ay dhalinyaradaas tahriibayaasha ah ay ku soo celiyaan Soomaaliya.
Mid ka mid ah Dhalinyaradaas ayaa ka dalabday dowladda Soomaaliya in ay sidoo kale soo badbaadiyaan Dhalinyaro kale oo weli ku dhibaateysan Libya sidoo kalena loo fuliyo balan qaadyo loo sameeyay.
Hoos ka Dhageyso Codka Mid ka mid ah Dhalinyaradaas.