Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa kulamo dhinaca Nabada iyo Amniga ah waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Bulshada ku nool Gobolka Galgaduud.
Maxamuud Sheekh Xasan Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna ayaa waxa uu safar dhinaca dhulka ah ku tegay deegaanada Xanan-buure Bangeelle iyo Huure,isaga oo Bulshada deegaanada kala hadlay sidii deegaanada Maamulka Galmudug ka maqan dib loogu xurreyn lahaa.
Madaxa Warfaafinta Culimada Ahlusuna Muxudiin Cali Jimcaale( Jakuula) ayaa sheegay in Gudoomiyaha guud ee Culimada Ahlusuna uu Bulshada deegaanadaas kula dardaarmay ka Shaqeynta Nabada iyo Amniga.
Waxa uu sheegay in Bulshada Deegaanadii ay wefdigaan tageen ay isla garteen in siwadjir ah looga wada qeyb qaato sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Gobolka Galgaduud oo ay weli Gacanta ku hayaan.
Maamulka Ahlusuna ee gobolada dhexe ee la midoobay Galmudug ayaa waxa uu mudo dhowr Sano ah dagaal la galay Al-Shabaab iyaga oo ka saaray deegaano badan oo Gobolka Galgaduud ka tirsan sida Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Warfaafinta Culimada Ahlusuna Muxudiin Cali Jimcaale( Jakuula).