Tan iyo wixii ka dambeeyay Shantii  bishii Febraayo ayaa waxa lagu howlanaa badbaadinta hanta farabada oo saaneyd Doon xiligasi ku caarisay dekada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Qeybaha kala duwan ee Bulshad Boosaaso iyo Mamulka Gobolka Bari ayaa waqti badan geliyay sidii hantidaas loo badbaadin lahaa basle ugu dambeyn Maanta ayaa lagu guuleystay in la dejiyo Hantida saaran doontaas.
sheekh Fu’aad Aflow oo ahaa gudomiyaha guddiga badbaadinta hantida saaarnayd doonta ayaa uga mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay badbaadinta Hantidaas iyo madaxweyne Gaas oo amray in aan wax Canshuur ah laga qaadin Hantida saran doontaas.
Wasiirka dekedaha Puntand Siciid Maxamed Raage  ayaa isna dhankiisa Mahadcelin kadib waxa uu sheegay in waqtiagaan la ogaaday in hadii ay Bulshadu iskutashato ay wax badan qabsan karaan.
Hantidii saarneyd Doonta Xafiis oo 11 Maalin kadib Maanta la badbaadiyay ayaa waxaa lagu qiyaasay lacag dhan  7 Milyan oo dollar waxayna u rarnayd ganacsada Puntland,iyada oo laga soo raray Wadanka Imaaraadka Carabta.
Hoos Ka Dhgeyso Codka Kana Daawo Sawirrada.