Shalay waxaa Magaalada Jowhar gaaray wefdi uu hoggaminayay Maareeyaha  Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) iyaga oo kulamo la qaatay Madaxda Hir-Shabeelle.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Maareeye Yuusf jaale ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo weli ah mid u dhameystiran waxyaabihii looga baahnaa Garoomada Diyaaradaha.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay joogaan meel bilaaw ah oo u baahan in wax loo qabto maadama ay qaabn dib u dhac.
Waxa uu rajo wanaagsan ka qabaan in laga dabageeyo Maamulada kale ee dalk ka jira isla markaana dib u habeyn lagu sameeyo Garoonk Diyaaradaha jowhar iyo waxyaabha kale oo ay u baahana yihiin.
Mamulka Hir-Shabeelle ayaa tanb iyo markii la dhisay Sanadkii 2016,kii waxa uu soo maray labada Madaxweyne waxaana intaasi ka dehx jiray khilaaf sababay in ay wax badan qabsan waayaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Maxamed Rooble.