Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa dab khasaaro geystay uu ka kacay Suuqa Daryeel ee degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.
Dabkaan ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in uu ka bilaawday Koronto isaga oo geystay inta badan khasaaro Hantiyadeed.
“Dabka koronto ayuu ka bilaawday xalay ilaa saakay waa la deminaayay dukaamin badan ayuu khasaaro u geystay waxaa la waayay damdebis sidhaqso ah ku soo gaara Goobta waxan arkay lacag farabadan oo gubtay ayaan arkay ayuu qof ka mid ah dadka deegaanka”
Ugu dambeyn saakay aroortii ayaa lagu guulestay duminta dalkaas,waxaana haatan socda gurmad ay wadaan Ganacsatada qaar si loo hagaajiyo Suuqa Daryeel ee uu dabka ka kacay.
Inta badan Suuqyada muqdisho markii uu dabka kaco ayaan sidhaqso ah loogu guuleysan demintiisa kadib markii la waayo Gawaarida dabdemiska,dabkii Xalane lama sheegin Khasaaro nafeed oo uu geystay.