Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaliya xiligii dowladdii Sheekh Shariif ΓΒ Sheekh Axmed Sanadihii 2010-2012 Maxamed Cabdulalahi Oomaar ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee deegaanada Soomaaliland.
Warar ay dalsan ka heshay Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Mudane Oomaar oo ka soo jeeda deegaannada Soomaaliland uu tegay isniintii shalay kadib cafis uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Maamulka Soomaaliland ayaa markii ay xilal ka qabtaan dowladda Soomaaliya waxaa loo diidaa in ay tagaan deegaanadii ay kas oo jeedaan ilaa iyo ay cafis ka dalbadaan taas oo la sheegay in Oomaar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu Haregysa ku tegay kadib cafis loo fidiyay.
Ma ahan Siyaasiigii ugu horeeyay ee xilka qaabta Soomaaliya ee dib ugu laabtay deegaanadii uu kas oo jeeday ee Soomaaliland balse waxa horeeyay Ismaaciil Hure Buubaa oo isna mar soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.