Gudoomiyihii hora Ee Gobolka Banadir ahaana Duqa Muqdisho Mudane Taabid Abdi Maxamed oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa Maanta Guryahooda ugu tagay Dadkii Caafimaad ahaan Dalka Turkiga ugu diray xiligii uu gudoomiyaha ahaa
Taabit ayaa Booqday Faaiso Sheekh Maxamed oo Bosaso uu ku dhaawacay Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland balse haatan xaaladeeda ay wanaagsan tahay.
Sisoo kale waxa uu tegay aadna uu u dhiirageliyay Maxamed Cumar oo wadnaha Duleelay oo hada aad u fiican kadib markii qaliin lagu sameeyey.
Waxa uu Sidoo kale Booqday Hooyo Muxubo oo aheyd Hooyada dhashay Maxamed Yare oo saqiiray kaas oo Caafimaad ahaan loogu qaaday Turkiga.
Ugh dambeyn Taabit ayaa booqday Wiil arday ah oo mudo ku xanuunsanaa Dalka Turkiga .
Taabid Cabdi Maxamed Duqii hore ee Muqdisho ayaa kadib markii xilka laga qaaday waxa uu sheegay in uusan joojin doonin howlaha Gargaarka ah ee uu u fidinayo Shacabka Soomaaliyeed.