Wafdi uu hugaaminayo Gudoomiyaha ahlusunna waljamaaca Macalin Maxamuud_Sheekh Xasan ayna ka mid yihiin ganacsato iyo qurbo joog ayaa maanta waxa gaareen magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.
Soo dhowayn Ballaaran ayaa Magaalada Dhusaamareb loogu sameeey Macalin Maxamuud Sh Xasan Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo DHuusamareeb dib ugu laabatay ka dib Safaro uu Mudo Dhowr Bilood ah ku soo marayey Wadamo Dibada ah.
Soo dhaweynta wefdiga ayaa waxaa ka qayb qaatay Bulshada Qaybeheeda kala duwan iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug uuna ugu horeeyo Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Dhinaca kale Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax Gudoomiyaha Guud ee Ahlusunna Waljamaaca kana mid ahaa Dadkii Gacanta wayn ka gaystay Heshiiskii
Ahlu Sunna iyo Galmudug waxa uuna Hoosta ka xariiqay in imaashihiisu uu ku qotomo inuu arko Dadaalkii lagalay mira dhalkiisii ee ahaa heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Macalin Maxamuud uu kulamo la yeesho Bulshada Deegaanada Galmudug ku waa soo awadah tashi iyo Xogwaraysi ah.