Fiidnimadii xalay ayaa dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada gaarka ah ee dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Katulo oo ka tirsan Magaalada Wajeer.
Dagaal mudo kooban socday oo dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa halkaasi ka dhacay,waxana Saraakiisha Ciidamadaas hogaamineysa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Shabaab.
Sarkaal lagu Magacaabo Stephen Ngetich ayaa Warbaahinta Gudaha Kenya u sheegay in weli ay ka feejigan yihiin weeraro kale oo kaga yimaada dhanka Al-Shabaab,balse ma uusan shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Al-Shabaab ayaa tiro ka dhowr jeer wax ay weeraro ka fuliyeen Gudaha dalka Kenya,waxaana todobaad ka hor ay bur buriyeen Xarun ay leedahay Shirkada Isgaarsiinta Safaricom.