Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxmed Shaakir Cali Xasan oo ku sugan Cabudwaaq ayaa amray in Gacan bir ah lagu qaban doono cidkasta oo qalalaaso ka sameeya degmadaas.
Isaga oo Goobjog ka ahaa shir dib u heshiisiin ah oo shalay ka furmay Cabudwaaq ayaa sheegay in Go’aamadii shirkaasi ka soo baxay la dhaqan gelin doono isla markaana dadkii ku xadgudba tallaabo laga qaadi doono.
Waxa uu sheegay in la furi doono Maxkamadii degmada Cabudwaaq si loo saaro cidkasta oo dambigasha.
Maxamed Shaakir ayaa safari ku soo kala bixiyay deegaano kala duwan isaga oo sidoo kale Goob joog ka ahaa heshiis laba beelood lagu kala dhex dhigay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamed Shaakir Cali Xasan.