Kulan ay Talaadadii Maanta ku yeesheen Aqalka Dowlada Hoose ee Visha Governo Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee QM ee Somalia ee dhinaca Bini’aadanimada Peter de Clerq iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Craxmaan Cumer Cismaan Yariisoow ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladaha Bini’aadanimo iyo nolosha dadka Muqdisho ku soo barakacay.
Kulanka ayaa waxa qeyb ka ahaa sarkaalka QM u qaabilsan arimaha dib u dejinta Qaxootiga,dhinacyadaas ayaana isla gartay in ay hada muhiim tahay maareynta iyo dib u dajinta Barakacayaasha.
Duqa Muqdisho Eng Yariisoow ayaa mas’uuliyiintaasi waxa uu kala hadlay Nooca taageero uu Gobolka Banaadir uga baahan yihiin QM.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumer Xalane ayaa faah faahiyay kulanka dhinacyadaasi ay wada qaateen waxyaabihii kas oo baxay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sawirada Kulanka