Kooxo hubeysan ayaa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen mid ah Shaqaalaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud telcom.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in Ninkaan oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Saleemaan uu ka hwolgelayay Xarunta Hormuud ay ku leedahay buundada Agteeda,waxana la sheegay in Xarunta dhexdeeda lagu dilay.
Salaadii duhur ayaa dadka deegaanka ay sheegeen in uu ku dukaday Masjid u dhow Xarunta uu ka Shaqeynayay,waxaana xiliga la dilayay Xrunta la joogay laba ka mid ah Shaqaalaha Hormuud oo ay isla Shaqeynayeen.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay iyo Cida ka dambeysay dilkiisa,waxaana la sheegay in kooxdii dilkaasi ka dambeysay oo ku hubeysneyd bustoolado kuwaas oo watay Gaari nooca raxada ah ay Goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray,iyaga oo baaritano wada,waxana Xarunta yaala meydka Marxuumka la dilay.